torsdag, april 25, 2024

Germany: Dadka aan talaalneen ee Norway ka imaanaya, waa inay Karantiil galaan.

Go´aan kasoo baxay dowlada Germany ayaa lagu sheegay in dadka aan qaadan talaalka Corona ee ka imaanayo dalal ay Norway kamid tahay ay galaan karantiil, marka ay soo galaan dalka Germany. Dalalkaas ay Norway kujirto ayay dowlada Germany ku sheegtay inay kujiraan liiska dalalka ay kajirto halis oo la xiriirta faafitaanka feyruska corona.

Qofka aan talaalneyn ee ka taga Norway ee galaya Germany ayaa ku qasbanaan doono inuu karo karantiil shan(5) maalin ah, isaga oo shan(5) maalin kadib fursad u heli karo inuu maro baaritaanka feyruska corona.

Dalalka kale ee Germany ay shardiga karantiilka ah kusoo rogtay waxaa kamid ah Denmark iyo Faransiiska.

Xigasho/kilde: Tyskland innfører karantenekrav for uvaksinerte fra Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x