fredag, april 19, 2024

FHI: Dadka aan talaalka qaadan ayaa u badan dadka corone Awgii loo dhigay isbitaalada Norway.

Warbixintii todobaadka ee Machadka caafimaadka bulshada (FHI) ayaa lagu sheegay in 60% dadkii isbitaalada la jiifiyey ay ahaayeen kuwo aan tallaalnayn.

221 oo koroona dartiis loo dhigay ayaa 133 ka mid ahi ahaayeen kuwo aan tallaalnayn, halka 80 qof ay ahaayeen kuwo tallaalan. 80ka qof oo tallaalka qaatay ayaa 38 ka mid ahi ahaayeen kuwo qaatay tallaalka saddexaad.


Machadka caafimaadka bulshada ayaa sheegay in tallaaka 3aad uu wax badan oo saamayn ah leeyahay, waxayna qoreen in dadka 18-ka weyn la tallaalo ay raad ku yeelanayso hoos u dhigidda faafidda iyto is qaadsiinta faysruska.


Tallaalka oo la qaataa waxay saamayn ku yeelanaysaa koru kaca baaxadda aafadda koroonaha, ayeey tiri Line Vold oo ah madaxa qaybta ee machadka caafimaadka  Bulshada. Waxayna raacisay waxa ugu muhiimsan bulshada ay hada sameyn karto, si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka, ay tahay in la qaato talaalka.

Xigasho/kilde-: 60 prosent av nye innlagte var uvaksinert.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x