torsdag, april 25, 2024

Dukaankii uu ka shaqeynayay ayuu 200.000 kr ka xaday= Xukun Xabsi ah iyo soo celin lacag

Maxkamadda magaaladda Stavanger ee dalkan Norway, ayaa xukun 87 maalmood oo xabsi ah ku xukuntay nin 27 sano jir ah oo qirtay inuu lacag gaareyso 198.200 kr ka xaday dukaan lagu iibiyo agabka dhismaha ah oo uu ka shaqeynayay. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay in ninkan uu dukaanka dib ugu soo celiyo 198.200 kr ee uu ka xaday khaanadda dukaanka.

Ninkan oo danbiga lagu eedeeyay ka hor qirtay maxkamadda ayaa sharaxay qaabka uu lacagtaas ugala bixi jiray khasnadda dukaanka. Wuxuuna sheegay inuu qaab been abuur ah uu systemka-ka diiwaangalinta iibka ee dukaanka(Kassa-systemet) uu ka diiwaangalin jiray in dad macaamiil ah, ay soo celiyeen alaab ay horey uga iibsadeen dukaanka. Wuxuuna khaanadda kasoo bixin jiray lacag uu ku diiwaangalin jiray in loo celinayo macaamiisha alaabta soo celisay, kadibna isaga ayaa jeebka sii gashin jiray, sida uu isaguba kahor qirtay qaadiga maxkamadda.

Maxkmadda oo fiirineyso cadadka lacageed ee uu ninkan ka xaday dukaankii uu ka shaqeyn jiray, iyo mudadda ay howshaas socotay, ayaa tilmaantay in danbiga uu ninkan sameeyay uu yahay mid weyn. Waxeyna ku xukuntay 87 maalmood oo xabsi ah, iyo inuu soo celiyo lacagtii uu dukaanka ka xaday.

Xigasho/kilde: Må betale 198.200 kroner til butikken hvor han jobbet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x