tirsdag, april 16, 2024

Dowlada: Qof walba oo ka weyn 18, waxaa ilaa February loo soo bandhigi doonaa irbad xoojin ah

Sida lagu sheegay war qoraal oo lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee dowlada Norwau, dowlada ayaa dajisay qorshe wato hadaf ah in ilaa dhamaadka bisha February ee sanadka 2022, dhamaan dadka ka weyn 18-ka sano loo soo bandhigo irbada sadexaad ee xoojinta ah ee talaalka corona.

Reysulwasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in ujeedku dowladu uu yahay in qof walba oo ka weyn 18 sano uu helo fursad uu ku qaato irbada xoojinta ah ee talaalka corona. Wuxuu raaciyay in degmooyinku ay heli doonaan tiro ah talaal ah oo ku filan, si hadafka dowladu uu u noqdo mid la gaari karo.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa horey usoo jeedisay in dadka ay da´doodu u dhaxeyso 18 ilaa 44 sano loo bandhigo qaadashada irbada xoojinta ah ee talaalka corona, ugu yaraan 20 isbuuc kadib marka ay qaateen irbada labaad(2) ee talaalka corona.

FHI ayaa si gaar u xustay in mudnaan la siiyo dadka qaba xanuunadda ay mudo la noolaayeen, ee uu hoos u dhici karo awoodooda difaacca jirka.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa sidoo kale soo jeedisay in tixgalin gaar ah la siiyo haweenka uurka leh ee da´doodu ay u dhaxeyso 18 ilaa 44 sano, marka balamaha loo qabanyo dadka raba inay qaataan talaalka sadexaad ee corona.

Xigasho/kilde: ALLE OVER 18 ÅR FÅR TILBUD OM OPPFRISKNINGSDOSE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x