torsdag, april 18, 2024

Denmark iyo Sweden: Dadka Norway ka imaado, waa inay corona iska baaraan.

Dowladaha Denmark iyo Sweden ayaa soo rogay shuruuc adag oo lagu xakameynayo faafitaanka feyruska corona. Waxaana kamid ah in dhamaan dadka kasoo galayo dalalka dibadda ah oo ay Norway kujirto ay iska soo baaraan feyruska corona, kahor inta aysan dalalka Denmark iyo Sweden.

Arrintan ayaa ka dhigan in qofka ka tagayo Norway ee raba inuu galo dalalka Norway dariska la ah, xiriirka dhowna uu kala dhaxeeyo ee Denmark iyo Sweden ay iska baaraan corona feyrus, kahor inta aysan u safrin labadaas dal.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Sweden ay maalmo kahor sheegtay in qof walba oo rabo inuu soo galo dalka Sweden looga baahanyahay inuu wato shahaadada corona ee muujineyso in qofku uu qaatay talaalka corona. Halkan kasii akhri.

Wasiirka caafimaadka dalka Denmark Magnus Heunicke ayaa sheegay in qof kasta oo raba inuu soo galo dalka Denmark, ha talaalnaado ama yuusan talaalka qaadan e, laga rabo inuu maro baaritaanka corona kahor inta uusan dalkaas soo galin.

Xigasho/kilde: Nå må du teste deg for korona før reiser til Sverige og Danmark.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x