lørdag, april 20, 2024

Boqolaal qof oo laga soo celiyay xuduudka Sweden ee Svinesund: Sababtan awgeed.

Dowlada Sweden ayaa laga bilaabo maalintii Talaadada aheyd ee isbuucan soo rogtay xeer shardi ka dhigaya in dhamaan dadka ka imaanayo dalalka dibadda ah, soona galayo gudaha Sweden ay wataan cadeynta jawaabta baaritaanka corona oo negativ ah. Shardigaas ayaa sidoo kale dhigayo in baaritaankaas uu qofku maray 48-dii saac ee ugu danbeysay.

Buundo-xuduudeedka Svinesund ee xiriirisa dalalka Norway iyo Sweden ayaa saacidihii lasoo dhaafay, waxaa laga soo celiyay ilaa 350 qof, kuwaas oo aan wadan cadeynta jawaabta baaritaanka corona ee negativ ah. Dadkan ayaa u badnaa dad saarnaa buss-aska isaga gudba xuduuda labadda dal ee Norway iyo Sweden.

Ilaaladda xuduuda dalka Sweden ayaa dhanka kale sheegay in ilaa 650 qof laga celiyay xuduuda ay Sweden la wadaagto dalka Denmark. Dadkaas oo aan buuxin shardiga baaritaanka corona ee dowlada Sweden ay dhaqan-galisay isbuucan.

deganyihiin gudaha Sweden. Sidoo kale dadka ka shaqeeya gudaha Sweden ee kunool dalalka dariska ah, ama ardeyda wax ka barata Sweden ayaa laga dhaafay sharcigan cusub ee la xiriira xakameynta feyruska corona.

Xigasho/kilde: Hundrevis bortvist fra svenskegrensa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x