fredag, april 19, 2024

Assistert retur waa wado ikhtiyaari ah oo qofka diidmada heysto uu dalkiis si xor ah ugu noqon karo.

F.G: Muuqaalkan Wargalinta ah wuxuu si gaar ah ugu socdaa dadka uu khuseeyo ee si gaar ah uga faa´iideysan kara.

Barnaamijka Assistert Retur(Noqoshada qofka lagu caawinayo) oo ah barnaamij loogu talagalay inay ka faa´iideystaan dadka diidmada kama danbeysta ah(Endelig avslag) ka heysta codsiga magangalyada, ee xiiseynaya inay si xor ah iskood iyo doorashadood ugu noqdaan dalkii ay ka imaadeen. Waana barnaamij qofkii soo dalbado looga caawiyo inuu si iskiis ah oo sharfan ugu noqdo dhulkiisii hooyo, iyada oo laga taageerayo kharashaadka dib u noqoshada, waxaana qofka lagu taageerayaa abuuritaanka shirkad ganacsi ama loo maalgalinayaa fursad waxbarasho.

Muuqaalkan hoose waxaa warbixin guud oo ku saabsan dhibaatooyinka nololeed ama sharciyede ee uu qofku maro marka uu diidmo ka helo codsiga magangalyada ku dhiibeyay Anders Aakhus oo katirsan hey´adda UDI-da, waxeyna sidoo kale ku sheegeysaa hey´addaha kale ee UDI-da kala shaqeeya barnaamijkaas. Wixii macluumaad ah ee ku saabsan barnaamijkan ka akhri bogga UDI-da ee: https://www.udi.no/retur/hva-er-assistert-retur/

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x