lørdag, april 20, 2024

W.A.D Norway oo kulan canaan ah ugu yeertay safiirka Qatar ee Norway: Sababtan awgeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa maanta kulan canaan ah ugu yeertay safiirka boqortooyada Qatar u fadhiya Norway. Arrintan ayaa timid kadib markii labo(2) wariye oo katirsan TV-ga qaranka Norway ee NRK lagu xiray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Labada(2) wariye ee NRK katirsan ee la xiray, balse markii danbe lasoo daayay ayaa dalka Qatar u joogay sidii ay warbixino uga diyaarin lahaayeen diyaargarowga abaabulka koobka kubadda cagta aduunka ee dalka Qatar ka dhici doono sanadka danbe.

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Større ayaa dhaleeceeyay xariga Qatar loogu geystay labada wariye, wuxuuna ku tilmaamay inay arrintaasi xadgudub ku tahay xoriyada saxaafadda..

Dowlada Qatar ayaa dhankeeda sheegtay in sababta labadaas wariye loo xiray ay aheyd inay ogolaansho la´aan galeen guryo(hanti) gaar loo leeyahay, ayna muuqaalo ka duubayeen iyaga oo aan heysan wax ogolaansho ah. Arrintaasna ay kasoo horjeedo sharciga dalka Qatar.

Xiritaanka wariyeyaasha ayaa abuuray buuq u badan, waxeyna siyaasiyiin ay kamid tahay reysulwasaarihii hore ee Norway Erna Solberg dowlada ka dalbadeen in jawaab adag laga bixiyo xiritaanka wariyeyaashaas u shaqeeyo NRK.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa hadda kulan ugu yeertay safiirka Qatar ee Norway, si uu sharaxaad uga bixiyo falka ay booliska dalka Qatar kula kaceen labadaas wariye.

Xigasho/kilde: Qatars ambassadør kalles inn til Utenriksdepartementet for å forklare seg om NRK-pågripelse.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x