torsdag, april 18, 2024

Telenor: Hadii fariintan(SMS) heshay, ha furin linkiga la socdo waa kooxo burcad ah.

Shirkada isgaarsiinta ugu weyn Norway ee Telenor ayaa dadka adeegsada adeegeeda uga digeysa fariimo(SMS) 24-tii saac ee ugu danbeysay loogu soo dirayay telefoonada gacanta, ayna la socdaan linkiyo dadka laga codsanayo inay furaan ama galaan. Dad aad u badan oo adeegsada mobilka shirkadaas ayaa soo sheegay inay heleen fariimo(SMS) ay la socdaan linkiyo dadka looga dalbanayo inay soo dagsadaan Ap ama ay dhageystaan cod loo soo duubay.

Telenor ayaa dadka uga digeysa inay furaan ama galaan linkiyadaas, waxeyna sheegeen in hadii qofku uu furo ay kooxahaas burcadda ah heli karaan macluumaadka muhiimka ah oo shaqsiyadeed ee qofka, aysan si qaldan u adeegsan karaan. Macluumaadka ay heli karaan waxaa kamid ah dhalashada qofka, aqoonsigiisa shaqsiyadeed iyo numberka sirta ah ee kaararkiisa bankiyada.

Sidoo kale qofka mobilkiisa kusoo degsada App-ka la socdo fariinta qofka loo dirayo, wuxuu telefoonkiisa ku dhici kara Virus. Kaas oo kooxahaas burcadda ah siin kara xogaha ku keydsan mobilka qofka, kadibna ay isaga ku handadii karaan si ay lacag uga qaadaan ama ay kasii iibiyaan dad kale oo si qaldan u adeegsan kara.

Telenor ayaa dhanka kale sheegtay in la rumeysanyahay in fariimahan ay soo dirayaan kooxo burcad ah oo abaabulan.

Xigasho/kilde: Gigantangrep mot norske telefonabonnenter.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x