fredag, april 19, 2024

Sweden oo laga bilaabo taariikhdan soo rogeyso adeegsiga shahaadada Corona.

Dowlada Sweden ayaa laga bilaabo kowda(1) bisha Desember ee sanadkan 2021 soo rogeyso adeegsiga shahaahdada Corona, sida ay warbaahinta u sheegtay wasiiradda arrimaha bulshada Lena Hallengen oo shir jaraa´id qabatay shaley oo Arbaco aheyd.

Shahaadada Corona ayaa sida ay wasiiraddu sheegtay loo adeegsan doonaa kulamadda ay isugu imaadaan wax ka badan 100 qof. Waxeyna soo rogitaanka arrintan ku micneysay kahor tagista halista faafitaanka feyruska corona oo laga cabsi qabo inuu mar kale kusoo bato dalka Sweden.

Kulamadda dadweynaha, ciyaaraha, kulamadda dhaqanka, shaneemooyinka iyo goobaha cibaadada ayaa dhamaan dadka kasoo qeybgalayo waxaa waajib ku noqon doono wadashada shahaadada corona ee muujineyso in qofku uu qaatay talaalka corona, Hadii ay goobtaas isugu imaanayaan dad ka badan 100 qof.

Taas badalkeeda iskuulada, gaadiidka dadweynaha iyo maqaaxiyaha ayaa laga reebay goobaha lagu soo rogi doono adeegsiga shahaadada corona. Waxeyna dowlada Sweden sheegtay in goobahaas aan loo arkin inay yihiin goobo isku imaansho dadweyne.

Dalka Sweden ayaa ah dalka uu saameynta ugu badan ee dhimashada ah ka geystay feyruska corona mudadii uu socday, marka lala barbardhigo dalalka kale ee Nordica.

Xigasho/kilde: Sverige innfører koronapass fra 1. desember.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x