onsdag, april 17, 2024

Reysalwasaaraha Sweden oo iscasishay saacado kadib markii xilkaas loo doortay.

Reysulwasaarihii cusbeyd ee dalka Sweden Magdalena Andersson oo maanta uun loo doortay inay hogaamiso dowlada Sweden, ayaa is casishey 7 saacadood oo qura kaddib markii ay xilka u doorteen xildhibaannada Baarlamanka Sweden.

Andersson oo qabatay shir jaraa’id ayaa sheegtay iney diiday inay hogaamiso xukuumad ay dafiic tahay awoodeeda sharciy  – Maanta wuxuu Baarlamanka Riksdag ii doortay in aan dhiso xukuumad wadaag ah, balse  aniga ahaan waxaa muhim ii ah xurmada, sababtoo ah ma rabo in aan hoggaamiyo dowlad ay doodi ka jirto sharciyaddeeda.

Xisbiga deegaanka ayaa ka baxay dowladda nus saac ka hor inta uusan ku dhawaaqin Andersson, sababtoo ah ma aysan dooneynin in la dhaqan geliyo miisaaniyad uu xisbiga midigta fog ee Sverigedemokraterna (SD) uu ka qeyb galay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x