torsdag, mars 28, 2024

Noocii cusbaa ee Corona oo Sweden laga helay.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha dalka Sweden ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay ku xaqiijisay in dalka Sweden lagu arkay kiiskii ugu horeeyay ee nooca cusub ee feyruska corona ah. Noocan ayaa loogu magac-daray Omicron ayaa ah nooc cusub oo feyruska corona ah, kaas oo kasoo bilowday dalka Koonfur Afrika.

Sweden ayaa kamid noqoneyso dalal dhowr ah oo Yurub ah xanuunkan cusub ee Corona lagu arkay. Waxaana ilaa hada gudaha Sweden laga xaqiijiyay hal kiis oo noocan cusub ee feyruska corona ah. Qofka laga heley ayaa kunool gobolka Skåne ayaa dhawaan safar kaga yimid dal kuyaal koonfurta qaarada Afrika.

Ilaa hada noocan cusub laga xaqiijin Norway, balse hey´adda caafimaadka dadweynaha ayaa sheegtay inay dhici karto in noocan cusub ee corona ah uu soo gaaray Norway, balse aan wali la xaqiijin.

Xigasho/kilde: OMIKRONSMITTE BEKREFTET I SVERIGE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x