fredag, april 19, 2024

Masud Gharahkhani oo loo badaniyo inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Norway.

Khamiistii lasoo dhaafay waxaa xilkii gudoomiyaha baarlamaanka Norway iska casishay Eva Kristin Hansen oo xilkaas heysay mudo lix(6) isbuuc oo kali ah. Waxeyna sababsatay fadeexad la xiriirta inay sifo aan sharci aheyn ay ku degeneyd guryaha dowlada ee la siiyo xildhibaanada baarlamaanka kasoo gala deegaanada Oslo ka baxsan. Halkan ka daawo warbixinta arrintaas.

Iscasilaada Eva ayaa xisbiga shaqaalaha ku qasabtay inay mar kale raadiyaan gudoomiye cusub oo xisbigooda katirsan oo hogaamiyo baarlamaanka Norway. Waxaana hada loo badinayaa inuu xilkaas qabto Masud Gharahkhani oo kamid ah xildhibaanada xisbiga shaqaalaha ee baarlamaanka, lagana soo doorto magaalada Drammen.

Gharahkhani oo 39 sano jir ah ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, wuxuuna Norway soo galay isaga oo caruur ah. Sanadkii 2017 ayaa loo doortay markii ugu horeysay inuu noqdo xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, kana soo galo gobalka Buskerud.

Masud ayaa sanadadii ugu danbeeyay ahaa afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga shaqaalaha, wuxuuna hada balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii uu usoo afjari lahaa buuqa isbuucyadii ugu danbeeyay hareeyay baarlamaanka Norway, kuna saabsan xubno baarlamaanka katirsan oo si qaldan u adeegsaday xuquuqaha aqalka baarlamaanka uu siiyo xildhibaanadda.

Doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Norway ayaa dhici doonto beri oo khamiis ah. Masud ayaa hadii uu xilkaas qabto noqonayo gudoomiyihii ugu horeeyay ee asal ahaan ajnabi ah ee uu yeesho baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde: Masud Gharahkhani (Ap) blir ny stortings­president: − Blir ikke enkelt å rydde opp.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x