lørdag, april 20, 2024

Larvik: Sadex(3) qof oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.

Diyaarad yar oo nooca casharada duuliyenimo(Pilo) lagu qaato ah ayaa maanta ku dhacday duleedka magaalada Larvik. Waxaana shilkaas ku geeriyooday sadex(3) qof oo kala ahaa macalin duuliye ahaa iyo labo ardey oo wax ka baraneysay iskuulka duuliyenimo ee iskuulka Pilot Flight Academy.

Diyaaradda shilkaas ku burburtay, galaafateyna nolosha sadexda(3) qof ayaa saaka aroortii ka kacday garoonka diyaaraddaha ee Torp ee magaalada Sandefjord, waxeyna 40 daqiiqo kadib xiligii ay duushay ku dhacday duleedka magaalada Larvik.

Maadaama dhulka ay diyaaradda ku dhacday uu ahaa dhul keymo, waxaa mudo qaadatay in laamaha gargaarka iyo boolisku ay soo gaaraan goobta uu shilkaas ka dhacay. Booliska ayaa saacado kadib xaqiijiyay in dhamaan dadkii diyaaradda saarnaa ay wada geeriyooden.

Iskuulka duuliyenimo ee Pilot Flight Academy ayaa ah mid kamid ah iskuuladda lagu barto ee ugu waaweyn qaaradda Yurub oo dhan.

Xigasho/kilde: Tre personer mistet livet i flyulykken i Larvik.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x