torsdag, mars 28, 2024

Katinka( UDI): Muuqaal kooban oo ka hadlayo barnaamijka Assistert retur: Hey´addahan ayaa nagala shaqeeya.

F.G: Muuqaalkan wargalinta ah waa mid si gaar ah ugu socdo dadka uu khuseeyo ee ka faa´iideysan kara, waxaana duubistiisa iyo soo gudbintiisaba maalgaliyay hey´adda UDI-da.

Barnaamijka Assistert Retur(Noqoshada qofka lagu caawinayo) oo ah barnaamij loogu talagalay inay ka faa´iideystaan dadka diidmada kama danbeysta ah(Endelig avslag) ka heysta codsiga magangalyada, ee xiiseynaya inay si xor ah iskood iyo doorashadood ugu noqdaan dalkii ay ka imaadeen. Waana barnaamij qofkii soo dalbado looga caawiyo inuu si iskiis ah oo sharfan ugu noqdo dhulkiisii hooyo, iyada oo laga taageerayo kharashaadka dib u noqoshada, waxaana qofka lagu taageerayaa abuuritaanka shirkad ganacsi ama loo maalgalinayaa fursad waxbarasho.

Muuqaalkan hoose waxaa warbixin guud oo ku saabsan barnaamijka assistert retur ku dhiibeyso Katinka Hartman oo katirsan hey´adda UDI-da, waxeyna sidoo kale ku sheegeysaa hey´addaha kale ee UDI-da kala shaqeeya barnaamijkaas. Wixii macluumaad ah ee ku saabsan barnaamijkan ka akhri bogga UDI-da ee: https://www.udi.no/retur/hva-er-assistert-retur/

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x