torsdag, mars 28, 2024

Jila NOAS: Dhibaatooyinkan ayay la kulmaan dadka sharci la´aanta ku ah Norway: Mid kamid ah xalalka waa assistert retur.

F.G: Muuqaalkan iyo warbixintan, waa mid si gaar ah ugu socoto dadka ay khuseyso.

Jila HassanPour waa la taliye katirsan hey´adda u dooda xuquuqda magangalyo doonka ee NOAS. Waxey muuqaalkan hoose kaga waremeysaa dhibaatooyinka ay sida maalinlaha ula kulmaan dadka diidmada kama dambeysta ah ka heysta codsiga magangalyada, waxeyna sharaxeysaa khibrada ay hey´adda ay ka shaqeyso u leedahay arrintaas.

Jila ayaa aaminsan in mid kamid ah xalalka ugu wanaagsan ee dadka diidmada kama dambeysta ag ka heysta codsiga magangalyada ay tahay in qofka aan rajo ka laheyn inuu magangalyo ka helo Norway uu codsado inuu si iskiis ah si xor ah ugu noqda dalkiisii hooyo(Assistert retur), lagana caawiyo tigidka diyaarada, la siiyo lacag jidmar ah. Sidoo kale loo maalgaliyo meherad ganacsi, marka uu qofku ku noqdo dalkiisii hooyo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x