fredag, april 19, 2024

Jarmalka oo muwaadiniintiisa ugu baaqay inay ka baxaan Itoobiya

Jarmalka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa Talaadada inay uga baxaan Itoobiya duullimaadyada ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyagoo ku biiraya Faransiiska iyo Mareykanka oo sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay si degdeg ah u baxaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Jarmalku ay socdal ku mari karaan garoonka caalamiga ah ee Bole ee Addis Ababa.

Dalal ay Canada ka mid tahay ayaa iyaganu toddobaadkii hore ugu baaqay inay muwaadiniintoodu si deg deg ah uga baxaan Itoobiya.

Qararmada Midoobay ayaa iyana Taladaadii sheegtay inay boqolllaal ka mid ah qoysaska shaqaalahooda in laga soo rari doono Itoobiyaa.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x