fredag, april 26, 2024

Dowlada oo soo rogtay xeerarkan, si looga hortago faafitaanka nooca cusub ee corona

Dowlada Norway ayaa maanta soo saartay xeerar cusub ee la xiriira xakameynta faafitaanka nooca cusub ee xanuunka corona.

Wasiirada caafimaadka Norway Ingvild Kjerkol oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay muhiim noqotay in la soo rogo xeerar iyo talaabooyin looga hortago in uu si fido feyruska corona, gaar ahaan nooca cusub ee dhawaan ka dilaacay dalka koonfur Afrika.

Wasiiradda waxaa ay tilmaamtay in nooca cusub uu ka halis badan yahay noocyadii hore ee Covid19 taasi darteed loo baahan yahay in bulshada taxadar badan sameeyaan.

Xeerarka ay dowladu maanta soo rogtay ayaa waxaa kamid ah:

  • Mudada karantiilka oo laga dhigay 7-maalmood kuwa laga helay xanuunka iyo dadka looga shakiyo in ay qabaan nooca cusub ee Amicron.
  • in 10 maalmood galayaan karantiil xubnaha qoyska iyo dadka isku dhaw ee xiriir la sameeya qof xanuunka qaaday ama looga shakiyay xanuunka cusub,waana in 7-maalmood ka hor mudada ka bixitaanka karantiilka iska qaadaan baaritaan nooca PCR-loo yaqaan.
  • Dhammaan go,aanadaan ayaa saameynaya dadka oo dhan, iyada oo aan loo fiirin doonin inay talaalka qaateen ama in kale.

Xigasho/kilde: Regjeringen innfører flere tiltak for å forsinke spredningen av omikronvarianten i Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x