fredag, april 19, 2024

Dowlada oo soo rogtay talaabooyinka cusub ee Corona la xiriira.

Dalkan Norway waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad usoo badaneysay tirada dadka laga helayo feyruska corona, waxeyna maanta dowladu soo saartay talaabooyin cusub oo looga hortagayo in xanuunkaas uu mar kale soo laba kacleeyo.

Reysulwasaaraha Norway, Jonas Gahr Større ayaa maanta sheegay in talaalku uusan joojin faafitaanka feyruska, uusana talaalku 100% qofka ka difaaci karin inuu ku dhaco feyruska corona. Wuxuuna tusaale usoo qaatay in dad badan oo kamid ah dadka dhawaanahan laga helay feyruska corona, ay yihiin dad horey u qaatay talaalka. Sidoo kale wuxuu raaciyay in dad badan oo jiifa isbitaalada ay yihiin dad horey isaga talaalay feyruska corona.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in dowladu ay la soconeyso xaalada corona ee xili walba soo kororta, ayna sameyn doonaan talaabooyin muhiim ah oo looga hortago in xanuunka uu soo rito dad badan oo buux-dhaafiyo isbitaalada Norway.

Dowlada ayaa maanta soo rogtay talaabooyinkan cusub:

  1. Qofka oo ka weyn 18 sano waxaa loo soo bandhigi doonaa fursad uu ku qaato irbad sadexaad(3) oo talaalka corona ah.
  2. Dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka ee aan wali si buuxdo u qaadan talaalka Corona, waxaa waajib ku noqon doonto inay isbuucii corona iska baaraan ugu yaaraan labo(2) mar. Waxaa intaas u dheer waxaa waajib ku ah inay adeegsadaan marada afka.
  3. Qof kasta oo oo xiriir dhow la leh qof uu ku dhacay ama laga helay feyruska Corona, waa inuu iska baaraa xanuunka.
  4. Dowladaha Degmoooyinka ayaa go´aan ka gaari doono in waajib laga dhigo adeegsiga kaarka corona ee goobaha dadweynaha.

Xigasho/kilde: – Vi ønsker jevnlig testing av uvaksinert helsepersonell.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x