torsdag, mars 28, 2024

Akhri: Tallaabooyinkan iyo xeerarkan cusub ee khuseeya soo-gelidda Norway.

Xaaladda faafidda cudurka darteed waxa ay dawladdu go’aamisay in dib loo soo celiyo shardigii ku saabsanaa in tijaabo cudurka laga waayey la iska soo qaaday ka hor intaan waddanka la iman, iyo in la sii balaadhiyo shuruudihii ku saabsanaa tijaaboqaadista iyo diiwaangelinta soo gelidda waddanka marka la imaanayo Norway.

– Si loo yareeyo cudurka laga keenayo dibeddaha waxannu sii xoojinaynaa tallaabooyinka soo gelidda waddanka laga bilaabo 26-ka Nofembar. Laga bilaabo taariikhdaas waa in qof kasta is diiwaangeliyo ka hor intaanu soo gelin Norway. Ka dib markii aannu talooyin ka helnay masuuliyiinta caafimaadka, waxannu dib u soo celinaynaa shardigii ku saabsanaa in tijaabo cudurka laga waayey la iska soo qaaday ka hor intaan waddanka la iman. Arrintani waxa ay khuseysaa dhammaan dadka aan wadan shahaado koroona oo la aqoosan yahay oo caddayn karta in ay si buuxda u tallaalan yihiin, ama in covid-19 ku dhacay lixdii bilood ee u dambeeyay. Shardigani kuma xidhna waddanka qofku ka soo socdaalayo, ayay tiri wasiiradda cadaaladda iyo heeganka, Emilie Enger Mehl (Sp).

Waa kuwan wax-ka-beddellada ugu muhiimsan ee lagu sameeyay tallaabooyinka khuseeya soo gelidda waddanka, ee dhaqangalaya laga bilaabo 26-ka Nofembar:

  • Waxa hadda shardi noqonaya in dhammaan dadka waddanka soo gelaya ay sida rasmiga ah iska diiwaangeliyaan nidaamka diiwaangelinta soo gelidda waddanka. Waxa shardigan laga dhaafayaa carruurta ka yar 16 sano iyo kooxo dad ah oo si gaar ah looga dhaafay. Dhammaan dadka waddanka soo gelaya waxa ku waajib ah in ay soo bandhigaan wax arrintaas caddaynaya iyo in ay islamarkaana shahaadada koroonaha tusaan booliska haddii la weydiiyo.
  • Waxa la oggolaanayaa in ay waddanka soo geli karaan dhammaan dadka ajnebiga ah ee xeerka ajnebigu u banneeyay inay waddanka yimaadaan.
  • Waxa la joojinayaa nidaamyadii lagu codsan jiray ka dhaafidda xayiraadaha soo gelidda ee Agaasinka Socdaalka Badda iyo Agaasinka Beeraha.
  • Weli way iman kartaa in soo gelidda waddanka loo diido ajnebiga aan ilaalin ku dhaqanka xeerarka ku saabsan diiwaangelinta soo gelidda, karantiilka soo gelidda waddanka iyo tijaabo-qaadista la xidhiidha soo gelidda waddanka. In qofku keeni waayo caddaymo la xidhiidha qodobadan ayaa iyaduna keeni karta in qofka la celiyo Dhammaan dadka socdaalka ah, xataa noorwiijiga, waxa laga dacwayn karaa booliska, waana la ganaaxi karaa, haddii ay ku xadgudbaan waajibaadyada ku saabsan soo gelidda waddanka.
  • Waxaa dib loo soo celin karaa shardiga ku saabsan in la keeno shahaado caddaynaysa in tijaabo cudurka laga waayey la iska qaaday xilli ka mid ah 24-kii saacadood ee ka horreeyay xilliga waddanka la soo gelayo. Caddayntan waxa laga rabaa dadka aan shahaado koroona oo la hubin karo ku caddayn karin in ay si buuxda u tallaalan yihiin ama in covid-19 ku dhacay lixdii bilood ee u dambeeyay. Shardigani kuma xidhna waddanka laga soo socdaalay, laakiin waxa laga dhaafay dadka socdaalka ah ee ka yar 18 sano.
  • Waxa kale oo wax laga beddelayaa waajibaadka ku saabsan in tijaabo la iska qaado marka waddanka la soo gelayo, oo waxa hadda waajib laga dhigayaa in tijaabo la iska qaado iyadoo aanay ku xidhnayn waddanka laga soo socdaalay marka la imanayo Norway. Ilaa hadda waxa waajibaadkani saarnaa keliya dadka soo joogay aag karantiilku waajib ku noqonayo qofkii soo joogay. Waajibaadkani waxa uu khuseyaa dhammaan dadka aan shahaado koroona ku caddayn karin in ay si buuxda u tallaalan yihiin ama in covid-19 ku dhacay lixdii bilood ee u dambeeyay. Waxa sidoodii u sii soconaya waxyaalihii kale ee keenayay in qofka laga dhaafo inuu tijaabo iska qaado marka uu yimaado Norway.
  • Dadka ay waajib ku tahay inay tijaabo iska qaadaan waxay tijaabo iskaga qaadi karaan xarun tijaabo-qaadis oo ku taalla xadka, ama 24 saacadood gudahood ayay iska qaadi karaan marka aysan xarun noocaas ahi ku oollin xadka. Dhammaan degmooyinka waddanku waa in ay heegaan u ahaadan inay tijaabo ka qaadaan dadka waddanka soo gala ee tijaabo-qaadistu waajib ku tahay.
  • Waxaa la kordhinayaa shaqaalaha Xarunta qaran ee hubinta socdaalka si dib loogu bilaabi karo hawlihii hubinta dadka waddanka imanaya oo degmooyinkuna u helaan xog ku saabsan dadka yimi ee loo baahan karo in degmooyinku la socdaan.
  • Dawladdu waxba ka beddeli mayso xeerarka ku saabsan karantiilka soo gelidda. Waxay u badan tahay in xeerarka karantiilku jiri doonaan xilliga qaboobaha oo dhan.

Xigasho/kilde: Statsministerkontoret

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x