fredag, mars 29, 2024

Xukuumada cusub: Maamulka goobaha cibaadadu waa inay 40% dumar ahaadaan, si ay lacag u helaan.

Xukuumadda cusub ee dhawaan la wareegtay talada Norway ayaa rabto in goobaha cibaaddada shardi looga dhigo, inay 40%(afartan boqolkiiba) guddiyadda maamulka goobaha cibaaddadu ay noqdaan dumar, si ay dowlada uga helaan taageero dhaqaale.

Heshiiska ay galeen labada xisbi (Ap og Sp) ee xukuumadda ku bahoobay ayay ku qeexeen inay muhiim u tahay in goobaha cibaadadda lagula xisaabtamo qaabka u doortaan gudiyada maamulka dowladaas ee masuulka ka ah dhaqaalaha malaayiinta ah ee dowlada ay siiso goobaha cibaadadda.

Hadii xukuumadda cusub ay baarlamaanka taageero uga hesho qodobkan, waxey ka dhigantahay in masaajidda iyo goobaha cibaadadda ee aan 40% maamulkooda ka dhigin dumar lagu soo doortay qaab daahfuran oo dimuqraadiyad ah, inay lumin doonaan taageeradda dhaqaale ee dowlada.

Masaajidu isku mid ma ahan:

Baaritaan horey loo sameeyay ayaa lagu ogaaday in farqi weyn uu u dhaxeeyo masaajidda muslimiinta kunool dalkan Norway. Farqigaas oo ku aadan aragtida ay dadka masaajidkaas maamulo ka qabaan in gudiyada lagu soo daro dumar. Masaajidka qaarkood, gaar ahaan kuwa ay maamulaan dhalinyarada jiilka labaad(2) ah ee Norway ku dhashay ama ku koray, ayaa dumarka si daahfuran ugu ogol inay qeyb ka noqdaan maamulka masaajidka.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil ha kjønnsbalanse – men Fatima vil ikke tvinges inn i moské-styre.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x