Xildhibaan Maryan oo xil muhiim ah loo doortay.

0
123
MaryaM Cabdi Xuseen iyo xildhibaanada kale ee xisbiga SV ee kasoo gala magaalada Oslo. Foto: Mariam Hussein/Facebook

Xildhibaan Maryan Cabdi Xuseen oo dhawaan kamid noqotay baarlamaanka dalkan Norway, ayaa loo doortay inay noqoto afhayeenka siyaasadda caafimaadka ee xisbiga SV. Xilkaas oo ka dhigan in Maryan ay noqon doonto qofka wax laga weydiiyo siyaasadda arrimaha caafimaadka ee xisbiga SV oo kamid noqon doono xisbiyada awooda xoogan ku dhex yeelan doono baarlamaanka Norway.

Maryan oo shaley ka qeybgashay furitaanka kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka Norway ayaa sheegtay in xilka loo doortay uu wato masuuliyad aad u weyn, maadaama caafimaadku uu yahay mid kamid ah arrimaha saameynta ugu badan ku yeesha dhamaan qeybaha bulshada. Waxeyna raacisay in xiligii uu socday caabuqii safmarka ahaa Corona ay si fiican u muuqatay muhiimadda siyaasadda caafimaadka iyo adeegyada caafimaadka ee dowliga ah.

Xildhibaanadan soomaalida ah ayaa raacisay in iyada laftirkeedu ay ka shaqeyn jirtay hey´addaha caafimaadka dowliga, ayna ogtahay muhiimadda ay leedahay in shaqaale ku filan la siiyo goobaha caafimaadka, iyo in shuruudaha shaqada loo wanaajiyo dadka ka shaqeeyo goobaha caafimaadka dadweynaha.

Xigasho/kilde: Marian Hussein blir SVs helsetopp på Stortinget.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments