Wuxuu dilay xaaskiisii hore ee Faatima-Yaasmin Ahmed iyo saaxiibkeed cusub: 21 sano oo xabsi ah

0
99
Ninka la xukumay ee Sido Sabri Rashid. Foto: Privat

Maxkamada Rogoland ee dalkan Norway ayaa 21 sano oo ciqaab xabsiyeed ah ku xukuntay Sido Sabri Rashid oo ah 43 sano qoxooti reer Siiriya ah oo maxkamadu ay ku heshay danbi ah dilka xaaskiisii hore iyo saaxiibkeeda cusub. Xukunka 21-ka sano ah ee ninkan lagu xukumay ayaa ah kan ugu bada ee Norway qof ay maxkamadu ku xukumi karto.

Ninkan ayaa dilka u adeegsaday mindi, wuxuuna gurigii ay degeneyd ku dhex dilay Fatima Yasmin Ahmad oo aheyd xaaskiisii hore oo ay kala hareen iyo Ahed Daher oo ahaa saaxiibkeeda cusub.

Ninka la xukumay ayaa markii hore qirtay inuu ka danbeeyo dilka xaaskiisii hore oo 20-meeyo jir aheyd iyo saaxiibkeeda cusub oo 30-meeyo jir ahaa. Wuxuuna sheegay inuu aqoon gaaban u lahaa ninka uu dilay ee xaaskiisii hore ay la socotay. Balse gadaal danbe ayuu iska badalay, wuxuuna sheegay inuu falkaas ka danbeeyay nin kale oo uu magaciisa sheegay.

43-sano jirkan siiriyaanka ah ayaa sheegay inuu rabay inuu dib ugu noqdo xaaskiisii oo ay mudo kahor kala tageen, waxeyna boolisku sheegeen in hinaase uu qeyb ka noqon karto sababta ninkan ku kaliftay inuu falkan geysto.

Xukunka xabsiga ee falka dilka ah ka sokow waxaa sidoo kale ninkan loagu ridey xukun la xiriiro, hanjabaado ah kadib markii uu dil ugu hanjabay qof kale oo ku sugnaa guriga xiligii dilkan dhacayey. Waxaana lagu xukumay in uu bixiyo lacag gaareysa 376.000 kr oo magdhow ah.

Dilaaga ayaa Maxkamada ka sheegay in madaxa u qaboobay kadib markii uu dilkaas u geystay labadaas marxuum.

Xigasho/kilde : Sido Sabri Rashid (43) dømt til 21 års fengsel for dobbeltdrap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments