Wiil soomaali ah oo xalay lagu toogtay Oslo oo geeriyooday.

0
126

Xalay fiidkii waxaa agagaarka iskuulka Lofsrud skole ee xaafada Montensrud lagu toogtay wiil 20 sano jir ah oo maanta ku geeriyooday isbitaalka weyn ee magaalada Oslo.

Xalay abaare tobankii(10:20 PM) fiidnimo ayay boolisku heleen fariin ah in xabado tiro badan laga maqlayay agagaarka iskuulka Lofsrud ee xaafada Mortensrud oo kutaal degmada Sødre Nordstrand. Booliska ayaa markii danbe sheegay inay goobta ugu tageen wiil dhaawac ah, waxeyna baaritaan xoogan ka sameeyeen goobta uu falkaas ka dhacay.

Dadka dariska la ah iskuulka ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa shan ilaa xabadood oo ka dhacay goobta uu falkaas ka dhacay.

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay wiilka la dilay ayaa ah wiil soomaali ah oo kamid ah dhalinyarada soomaaliyeed ee kunool magaalada Oslo.

Booliska oo aan wali falkan usoo qaban qofna, ayaa dadweynaha kunool aaga uu falkaas ka dhacay iyo cid kasta oo warbixin heysa ka dalbanaya inay lasoo wadaagaan wixii warbixin ah ee arrintaas ay ka hayaan.

Falkan ayaa saameyn aad u weyn ku yeeshay xaafada uu ka dhacay iyo guud ahaan magaalada. Warbaahinta Oslo ayaana si aad ah maanta u hadalheyso.

Dilkan xalay ka dhacay Oslo ayaa ku biirayo liis falal amni daro hub loo adeegsaday ah oo isbuucyadii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Oslo.

Xigasho/kilde: Her skjedde skytingen – en ung mann kritisk skadet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments