torsdag, april 25, 2024

Soomaali Tahriib ku galay Talyaaniga oo xil sare loo doortay

 Cabdullaahi Axmed Macallim oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday qofki ugu horreeyay oo muhaajir ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku soo baxay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino oo ku taalla Waqooyiga dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu noqday musharraxa ugu codka badan Golaha Deegaanka ee la doortay iyo ajnabigii ugu horreeyey muddo 25 sano ah.

Mr Cabdullaahi ayaa haatan helay fursad weyn oo uu ku metali doono shacabka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Guushiisa ayaa ka dambeysay, kadib markii ay soo sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga ee dalkaasi, isaga oo isniintii ku guuleysay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka.

Waxaa sidoo kale guushiisa soo dhoweeyey Soomaalida oo si aad ah ugu hambalyeeyey, waxaana baraha bulshada ka socda dabaal-deg lagu muujinayo guushiisa.

Arrinta xiisaha usii yeeleysa guusha Cabdullaahi Axmed Macallin ayaa ah in doon uu ku galay dalka Talyaaniga, isaga oo tahriib ahaa sanadkii 2008-dii.

xigasho/kilde: C.O



Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x