torsdag, april 18, 2024

Solberg oo 8 sano kadib maanta ka dagi doonto xilka reysulwasaaraha Norway.

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa maanta oo Talaado ah boqorka Norway u gudbin doonto istiqaalada xilka reysulwasaarenimo, kadib markii looga guuleystay doorashadii baarlamaanka Norway ee bishii hore dhacday.

Xukuumada ay hogaamiso Solberg ayaa maanta tagi doonto aqalka boqortooyada Norway, si ay si rasmi ah xilalka uga dagaan. Waxeyna reysulwasaaruhu boqorka ka codsan doontaa inuu xilka reysulwasaare u magacaabo Jonas Gahr Større oo ah gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Boqorka ayaa intaas kadib la xiriiri doono gudoomiyaha xisbiga Ap, isaga oo ka codsan doono inuu soo dhiso xukuumad cusub oo talada dalka la wareegto. Laakiin waxaa xilka sii heyn doonto Erna Solberg, ilaa iyo inta xukuumadda cusub ay diyaar noqon doonto.

Maanta marka ay saacadu tahay 15:00 waxaa shir jaraa´iq qaban doonto Erna Solberg oo si rasmi ah dadweynaha ula wadaagi doonto inay xilka reysulwasaarimo ee shacabka ay u heysay ay baneysay, ayna boqorka u gudbisay warqada istiqaalada.

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større ayaa isna lagu wadaa inu isbuucan soo bandhigo xukuumadiisa cusub, kadib heshiis uu la gaaray xisbiga Sp. Isaga oo taageero ka filayo xisbiyada bidixda oo uu ugu horeeyo SV.

Xigasho/kilde: Her signerer Erna Solberg avskjedssøknaden.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x