fredag, april 19, 2024

Sadex(3) qof oo daad qaaday oo wali nolol iyo geeri aan lagu heynin.

Deegaanka Kvam ee gobolka Vestland, waxaa wali la weysanyahay oon raq iyo ruux lagu heynin sadex qof oo shaley ay doon kula gadoontay wabi kuyaal deegaankaas. Booliska ayaa maanta galinkii hore helay doontii ay sadexdaas qof saarnaayeen, iyaga oo sheegay in jaaniska ah in nolol lagu helo dadkii doontaas saarnaa uu aad yaryahay.

Sadexda qof iyo ey doonta la saarnaa ayaa wabiga dhexdiisa ku qabsaday dood soo rogmaday, xili uu deegaankaas ka da´ayay roob aad u xoogan. Waxeyna sadexda qof kusii jeedaan cariish(hytte) ay deegaankaas ku lahaayeen.

Booliska ayaa sidoo kale helay qaar kamid ah agab iyo dhar loo maleynayo inay leeyihiin dadka doontaas saarnaa, waxeyna wali wadaan baadigoobka lagu raadinayo soo badbaadinta dadkan, inkasta oo uu jaanisku uu u yaryahay sida ay sheegeen.

Xigasho/kilde: Redningsaksjonen i Kvam: Har funnet gjenstander ved fossen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x