torsdag, april 25, 2024

Norway: Su´aalo la iska weydiinayo muslim-nimada Ninkii shanta qof ku dilay Kongsberg.

Booliska Norway ayaa maanta shir jaraa´id oo ay qabteen ku sheegay inay sii wiiqmeyso aragtidii aheyd in Espen Andersen Bråthen oo ahaa gacan ku dhiiglihii shanta(5) ku dilay magaalada Kongsberg uu ahaa qof si run ah u qaatay diinta islaamka.

Ninkan ayaa arbacadii lasoo dhaafay weerar uu u adeegsaday qaanso iyo falaar ku dilay shan qof, isaga oo ku dhaawacay labo(2) qof oo kale. sii akhri warbixintiisa halkan.

Muuqaalo uu baraha bulshada ku faafiyay ninkan ayuu horey ugu sheegay inuu qaatay diinta islaamka, uuna wado fariin digniin ah oo ku socoto dadweynaha. Muuqaaladaas ayay warbaahinta Norway maalmihii ugu danbeeyay aad u adeegsanayeen, iyaga oo xiriir u sameynayo weerarka uu geystay iyo sheekadiisa inuu qaatay diinta islaamka.

Hey´adda sirdoonka dalkan Norway ayaa iyadana horey u sheegtay inaan la dhayalsan karin in falkan uu noqon karo mid argagaxiso ah.

Booliska ayaa wali baaritaanka kiiskan ayaa sheegay in ilaa hada baaritaankooda aysan ku arkin wax xoojinayo in ninkan uu ahaa qof si dhab ah u qaatay diinta islaamka, maadaama aan lagu arkin wax muujinayo sameynta dhaqamo-diimeedyada lagu yaqaano qofka muslimka ah.

Imaamka masaajidka Kongsberg oo la hadlay warbaahinta ayaa horey u sheegay in dhowr sano kahor uu ninkan soo booqday masaajidka, balse aysan jirin wax booqashooyin ah oo ninkan uu ku imaan jiray masaajidka ama goobaha kale ee lagu barto diinta ee kutaal deegaanka uu ku noolaa.

Dhanka kale waxaa kiiska ninkan hada la wareegay hey´adda caafimaadka oo baarayo caafimaad-qabka maskaxdiisa, maadaama ay jireen digniino badan oo horey loogu soo gudbiyay laamaha amniga, kuna aadanaa in ninkan uu geysan karo fal dil ah.

Dhanka waxaa iyagana baaritaano gooni gooni ah lagu furay laamaha caafimaadka degmada Kongsberg oo hirey gacanta ku hayay kiiska ninkan. Waxaana la baarayaa in falka uu ninkan geystay uu ahaa mid laga hortagi karay.

Xigasho/kilde: Politiet om Kongsberg-siktede: − Hypotesen om konvertering er svekket

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x