onsdag, april 24, 2024

Norway: Degmooyin tartan ugu jiro qaadashada qoxooti cusub.

Dalkan Norway waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay yaraaday tirada qoxootiga magangalyada soo weydiista Norway, ama dib u dajinta loo sameeyo. Hoos u dhaca tirada qoxootiga ayaa keentay in degmooyin badan oo waagii hore dhaqaale dowlada kaga heli jiray dib u dajintaas ay waayaan dhaqaalihii ay dowlada kaga heli jireen.

Qoxootiga ayaa sidoo kale ahaa qaab ay degmooyinka yar-yar ku kobciyaan tirada dadka deegaankaas kunool, maadaama ay dhalinyaro badan oo degmooyinkaas kunool ay doortaan inay shaqo ama waxbarasho awgeed ugu guuraan magaalooyinka waaweyn.

Tartan adag oo degmooyinka ka dhex taagan:

Maadaama ay yaraatay tirada qoxootigii wadanka imaan jiray, waxaa sida uu NRK qoray hada uu tartan adag ka dhex jiraa degmooyinka Norwey oo ku tartamayo qaadashada qoxooti ay dib u dajin u sameeyeen. Waxaana howsha dib u dajinta qaabilsan hey´adda IMDI oo ah hey´adda dowlada dhexe arrintaas ugu xilsaaran.

Degmooyinkii horey ugu guuleystay inay qoxootigii ay qaateen ay shaqo ama waxbarasho geeyaan ayaa hada sheegaya inay cadaalad daro ah inaan la siin qoxooti cusub, maadaama ay muujiyeen inay shaqadaas kasoo bixi karaan.

Libe Rieber-Moh oo IMDI katirsan ayaa dhankeeda sheegtay in marka degmooyinka loo qeybinayo qoxootiga, waxyaabaha xooga la saaro ama lagu qiimeeyo ay kamid tahay qaabkii ay horey ugu guuleysteen inay shaqo ama waxbarasho geeyaan qoxootigii ay qaateen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x