torsdag, april 18, 2024

Nin Soomaali ah oo loo xiray dilkii xildhibaan katirsan baarlamaanka UK

Nin Soomaali ah ayaa loo qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee dalka UK.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

“Wuxuu ahaa weerar deg deg ah. Nin ayaa si lama filaan ah mindi ula soo baxay kadibna billaabay inuu ku dhufto David Amess,” ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Booliska ka hor-tagga argagixisada iyo sirdoonka gudaha UK ee MI5 ayaa lagu warramay inay baarayaan, haddii ninka Soomaaliga, oo 25 jir ah, uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjiriinta ee argagixisada.

Dadkii isugu tegay kaniisadda Belfairs Methodist oo uu kulanka ka dhacayey ayaa ayagoo argagaxsan daawaday David oo goobta ku dhintay, ayada oo kooxaha gurmadka deg degga ah ay isku dayayeen muddo laba saac inay badbaadiyaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Xigasho/ Kilde: C. O

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x