torsdag, april 25, 2024

Moss: Booliska oo ka hadlay ninkii masaajidka lasoo galay wax u ekaa qori.

24-kii saac ee ugu danbeysay waxaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebeook iyo whatsupp aad loogu faafinayay muuqaal nin cadaan ah oo boorso ku wato wax u muuqaal eg qori, kaas oo soo galay masaajidka muslimiinta ee magaalada Moss. Dad badan ayaana arrintaas uga shakisnaa in ninkaas uu rabay inuu masaajidka ka geysto dhibaato.

Kristoffer Haakonsen oo ah madax-qeybeed katirsan booliska magaalada moss ayaa sheegay in boolisku baaritaan kadib aysan rumeysneyn in ninka masaajidka galay uu watay qori ama wax kale oo hub ah. Balse uu watay wax u eg birta kaluunka oo boorso la galiyay, Iyaga oo sheegay in boolisku ay ninkaas horey aqoon ugu lahaayeen. Balse aan lagu aqoon fal naceyb la xiriira.

Booliska ayaa sheegay inay raadin ugu jiraan ninkaas, si ay u ogaadaan waxa uu boorsada ku watay xiliga uu masaajidka galay iyo waliba sababta uu masaajidka u galay.

Albaabku wuu furnaa:

Booliska Moss ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in albaabka masaajidka uu furnaa xiliga uu ninkaas gudaha u galay, taas oo u fududeyn karto inuu masaajidka soo galo ogolaansho la´aan.

Madaxa qeybta booliska Moss ayaa dadweynaha ka codsanayo inaan muuqaladaas lasii faafin, maadaama ay cabsi iyo argagax ku abuuri karaan bulshada. Iyaga oo qofkii hayo wax mudan in laga digtaanoodo uu soo wargaliyo ama lasoo wadaago booliska.

Xigasho/kilde: MANN TOK SEG INN I MOSKÉ I MOSS: POLITIET AVKREFTER MISTANKE OM VÅPEN.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x