torsdag, mars 28, 2024

Minneapolis: Maxamed Nuur oo lagu riday xukun cusub oo ka fudud kii hore.

Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa maanta lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah.

Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu helay Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur ayaa horey loogu helay dambi dil darajada saddexaad ah ah iyo dil kama’ ah oo la xiriira toogashadii ay 2017 ku dhimatay Justine Ruszczyk Damond, oo aheyd gabar Australian-American oo 40 jir ah.

Maxamed Nuur ayaa xabad ku dhuftay Justine kadib markii ay isaga iyo sarkaal kale oo boolis ah ay tageen gurigeeda taasi oo ka dambeysay markii ay soo wacday taleefonka xaaladda deg degga ah ee 911, si ay ugu wargelisay kufsi ay suurta-gal aheyd inuu ka dhacayey gurigeeda gaadaashiid.

Maxamed ayaa sheegay inuu ka argagaxay qaylida Justine, kadibna uu xabadda riday.

Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa bishii tagtay laashay xukunkii dilka ee horey loogu helay Maxamed Nuur, ayada oo sheegtay in xeerka dilka ee darajada saddexaad uusan ku habboonayn kiiskan.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dacwad noocan ah kaliya lagu dabaqi karo marka eedeysanaha muujiyo “inuusan wax ahmiyad ah u hayn nolosha bani’aadamka oo dhan,” ee aysan aheyn marka ficilka uu ku wajahan yahay qof gaar ah, si la mid ah Justine.

Garsoore Kathryn Quaintance, oo sidoo kale horey u guddoomisay maxkamadeyntii hore ee Maxamed Nuur, ayaa ogolaatay codsiga dacwad-oogayaasha ee ahaa in Maxamed lagu riday xukunka adage e dil kama’ ah oo ah 57 bilood.

Waxay diiday codsigii qareenada difaaca oo ahaa ahaa 41 bilood, oo ah heerka ugu hooseeya ee xukunka.

Maxamed Nuur, oo shaqada booliska Minneapolis laga eryey kadib markii dacwadda lagu soo oogay, ayaa horey xabsiga ugu qaatay 29 bilood.

Gobolka Minnesota, maxaabiista si wanaagsan u dhaqma, ayaa badanaa xabsi ku qaata laba meelood saddex meel, waana lasii daayaa kadib ayada oo inta ka harsan muddada xabsiga dusha laga ilaalinayo.

Maxamed Nuur ayaa maxkamdeyntii koowaad waxaa lagu xukumay 12 sano iyo bar xabsi ah, kahor inta uusan racfaanka u qaadan Maxkamadda Sare.

Xigasho/kilde: Ap+ VOA



Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x