torsdag, april 25, 2024

Maxaa ilaa hada laga ogyahay ninkii soo «islaamay «ee shanta qof shaley ku dilay Kongsberg.

Espen Andersen Bråthen oo ah 37 sano jir Denmark u dhashay oo sida la sheegay qaatay diinta islaamka ayaa shaley maqribkii shan qof ku dilay magaalada Kongsberg ee dalkan Norway. Ninkan oo boolisku ay horey aqoon ugu lahaayeen ayaa weerarkan u adeegsaday falaar iyo qaanso.

Booliska ayaa xaqiijiyay in dadka uu ninkan dilay ay da´ahaan ahaayeen dad waayeel ah oo u dhaxeeyo 50 ilaa 70 sano. Waxeyna sheegeen inuu dadka uu dilay qaarkood oo ugu galay gudaha guryahooda oo halkaas ku dilay.

Ninka weerarka geystay ayaa asal ahaan u dhashay dalka Denmark, balse wuxuu ku dhashay kuna koray Norway. isaga oo aan wax xiriir ah la laheyn dalka ay hooyadiis iyo aabihiis kasoo jeedaan ee Denmark.

Baraha bulshada waxaa laga helay muuqaalo uu ninkan galiyay internetka kuwaas oo ku hanjabay inuu geysan doono weerar uu dad ku dilo. Waxaana horey laamaha amaanka loogu wargaliyay kiiska ninkan. Isaga oo sidoo kale dil ugu hanjabay xubno katirsan qoyskiisa gaarka ah, waxaana lagu xukumay inuusan mudo lix bilood ah booqan guriga reerkiisa.

Wuu islaamay:

Booliska ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ninkan uu qaatay diinta islaamka, waxeyna sheegeen inay ka cabsi inuu laga xagjireeyay ama maskaxda laga dhaqay. Dhanka kale ninkan ayaa horey muuqaal uu soo galiyay Youtube-ka u sheegay inuu qaatay diinta islaamka, isaga oo u digay dadka,sheegeyna inuu yahay qof lasoo diray oo fariin wada.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa hada baaritaan la xiriira kiiskan, waxaana wali cadeyn in ninkan uu caafimaad ahaan dhameystiranyahay iyo inkale, iyo waliba sababta ku kaliftay inuu falkan geysto.

Xigasho/kilde: Espen Andersen Bråthen (37) siktet for massedrapene på Kongsberg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x