fredag, mars 29, 2024

ku dhawaad 1000 qof oo kasoo qeybgalay aaska Marxuum Xamse Xaashi Aadan.

Waxaa allah ha u naxariistee maanta qubuuraha muslimiinta magaalada Oslo lagu aasay marxuum Xamse Xaashi Aadan oo khamiistii hore lagu toogtay xaafada Montensrud ee magaalada Oslo. Waxaana aaskiisa kasoo qeybgalay dadweyne aad u badan oo gaarayay ku dhawaad 1000 qof.

Siyaasiyiin katirsan goleyaasha siyaasadda Norway, Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, culimada waaweyn ee soomaalida Norway, saaxiibada marxuumka iyo macalimiintiisa, qaraabada iyo qoyska Xamse iyo boqolaal qof oo kale ayaa maanta kasoo muuqday duugta sagootinta ah ee loo sameeyay 20-jirkan soomaaliga ah ee isbuucii hore lagu dilay Oslo.

Xamse Xaashi Aadan oo 20 sano jir ahaa ayaa habeenkii khamiista lagu toogtay xaafada Montensrud, wuxuuna maalintii jimcaha isbuucii lasoo dhaafay ku geeriyooday isbitaalka Oslo. Booliska ayaan dilka Xamse ilaa hada usoo qabanin qofna, waxeyna wali sheegayaan inay wadaan baaritaanka kiiskan.

Dilka marxuumka ayaa aad looga dareemay bulshada xaafada uu ku noolaa iyo guud ahaan magaalada Oslo. Waxaana uu sababay in la is weydiiyo su´aalo badan oo ilaa hada aan jawaabo cad loo helin wali, kuna saabsan amaanka magaalada Oslo iyo qaabka shaqada booliska Norway.

Xigasho/kilde: Hamse (20) gravlagt: – Aldri sett så stort oppmøte i en begravelse

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x