torsdag, april 25, 2024

Kosovo: Norway ayaa nagala soo xiriirtay soo gacan-galinta nimanka ku eedeysan dilka Xamse.

Booliska dalka Kosovo ayaa xaqiijiyay inay xiriir lasoo sameeyeen dhigooda dalka Norway, xiriirkaas oo ku saabsan in la xiro kadibna booliska Norway loo soo gacan-galiyo Valon Avdyli iyo Visar Avdyli oo ah walaalo ku eedeysan dilka A.H.U Xamse Xaashi Aadan oo sadex isbuuc kahor lagu dilay magaalada Oslo.

Labada nin oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Kosovo, ayaa sagaalka(9) bishan October ka dhoofay Norway, labo(2) maalin kadib markii Xamse lagu toogtay xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo. Waxeyna u safreen dalka Kosovo, halkaas oo booliska Norway ay aaminsanyihiin inay xiligan ku suganyihiin.

Børge Enoksen oo ah xeer ilaaliye katirsan booliska Norway ayaa wargeyska VG u sheegay in Norway ay warbixinta ragaas ku eedeysan dilka 20-jirka soomaaliga ah la wadaagtay Kosovo. Waxeyna sheegeen inay booliska dalka Kosovo u gudbiyeen dalab la xiriira soo qabashada ragaas, kadibna dib loogu soo celiyo Norway ay oo fal dil ah kaga eedeysanyihiin.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa dhanka kale jartay waaran qabasho ah oo labadaas(2) ee walaalagau nin lagu soo qabanayo. Marka laga tago labadan(2) nin ee baxsaday, waxaa xabsiga Oslo ku xiran nin 41 sano jir ah oo ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa falka lagu dilay Xamse. Halkan kasii akhri

Labadan nin ee walaalaha ayaa horey loogu xukumay danbiyo la xiriiro argagaxiso, waxeyna labadooduba soo dhameysteen mudo xabsiyeed lagu xukumay. Halkan kasii akhri.

Maxaa xiriir ah oo ka dhaxeeyo Xamse iyo nimankan:

Qareenka waalidka dhalay A.H.U Xamse Xaashi Aadan ayaa sheegay in waalidiinta Xamse aysan ogeyn, aadna ula yaabanyihiin xiriirka ka dhaxeyn karo labadaan nin. Halka boolisku uu ilaa hada cadeynin waxa ka danbeeyay ama sababay in nimankan ay toogaan 20-kan jirkan, iyo xiriirka ka dhaxeeyay.

Su´aal ay warbaahintu weydiisay booliska ayaa ah in Xamse uu ahaa qof si kama´ah ay loo toogtay iyo inuu ahaa bar tilmaameed, balse booliska ayaa sheegay in baaritaanka kiiska ay wali wadaan, jawaabna aysan hada bixin karin.

Xigasho/kilde: Politiet i Kosovo bekrefter samarbeid med norsk politi i jakten etter Avdyli-brødrene.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x