torsdag, mars 28, 2024

Kongsberg: Nin danish ah oo loo qabtay falkii shanta qof lagu dilay.

Booliska Kongsberg ayaa sheegay in nin asal ahaan kasoo jeedo dalka Denmark loo qabtay falkii caawa lagu dilay shanta qof, laguna dhaawacay labada qof ee kale.

Booliska ayaa sheegay in falkaas loo adeegsaday falaar iyo qaanso. Waxaana dadka dhaawaca ah kamid ah Askari boolis ah oo xiliga la dhaawacay shaqada ku jirin,

TV2 ayaa goor sii horeysay oo caawa ah qoray in ninka dilka geystay uu yahay qof qaatay diinta islaamka. Laakiin ilaa hada boolisku arrintaas ma xaqiijin.

Booliska ayaa wali wada baaritaan ku aadan arrintan, waxeyna sheegeen inaan la cadeyn Karin in falkaas uu argagaxiso xiriir la leeyahay iyo in kale.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x