torsdag, april 25, 2024

Hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada caruurta ay barne-vernku xanaanadooda la wareegaan.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa aad u yaraaday tirada caruurta ay hey´adda barne-vernku la wareegto xanaanadooda. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2020, barnevern-ka ayaa si qasab ah ula wareegay xanaanada 751 ilmood, halka sanadkii 2012(8 sano kahor) ay barneverku si qasab ah ula wareegeen xanaanada 1778 ilmood.

Mari Trommald oo ah madaxa hey´adda caruurta iyo qoysaska(Bufdir) ayaa sheegtay in sanadihii lasoo dhaafay xooga la saaray in caawin la siiyo qoysaska xili hore, ayna rumeysantahay in arrintaas ay tahay mid kamid ah sababaha keenay hoos u dhaca caruurta way barnevernku kala wareegaan qoysaskii dhalay.

Madaxa hey´adda Buffdir ayaa dhanka kale sheegtay in hey´adda barnevernku ay ku fiicnaatay in caawin ahaan loo adeegsado qaraabadda iyo asxaabta qoyskaska ay kiisasku soo galaan. Sidoo kalena waxaa aad loo xoojiyay caawinta waalidka ee doorka waalidnimo, iyada oo la adeegsanayo hey´addo kala duwan.

Xigasho/kilde: Stor nedgang i antall tvangs­plasserte barn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x