lørdag, april 20, 2024

FHI: Wiilasha kayar 30 sano yeysan qaadan talaalka Moderna: Sababtan awgeed.

Hey´adda caafimaadka dadweyaha Norway ee FHI ayaa wiilasha ay da´dooda ka yartahay 30-ka sano kula talisay inaysan qaadan nooca talaalka corona ee Moderna, maadaama uu si naadari ah mararka qaarkood sababi karo infekshin xaga wadnaha ah.

Geir Bukholm oo ah madaxa cudurada faafa ee hey´adda FHI ayaa sheegay in dhalinyarada ay da´dooda ka yartahay 30-ka sano ee qaatay talaalka Moderna lagu arkay xanuun dhanka wadnaha ah oo lala xiriirinayo talaalkaas. Wuxuuna sidoo kale sheegay in isla xanuunkaas oo kale lagu arkay dhalinyarada ka yar 30-ka sano ee qaadatay talaalka kale ee Pfizer. Balse ay tiro ahaan badanyihiin dhalinyarada xanuunkaas lagu arkay ee qaadatay talaalka Moderna.

Hadalka FHI ayaa kusoo aadayo xili dalalka Sweden iyo Finland ay joojiyeen in dhalinyarada kayar 18-ka sano ay qaataan talaalka corona.

Xigasho/kilde: FHI om svensk Moderna-stopp: Unge menn bør vurdere å ta Pfizer-vaksinen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x