torsdag, april 25, 2024

Dowlada cusub: Ap iyo Sp oo ku heshiiyay in la adkeeyo xeerarka qoxootiga.

Xisbiyada Ap iyo Sp ayaa maanta soo bandhigay heshiiska ay dhawaan gaareen, ayna ku dhisi doonaan xukuumadda cusub ee la wareegi doonto talada Norway. Qodob kamid ah heshiiskan ayay xisbigan kusoo bandhigeen inay adkeyn doonaan siyaasadda qoxootiga iyo soo galootiga Norway.

Heshiiska lagu dhisay dowlada uu reysulwasaaraha ka noqon doono Jonas Gahr Større ayaa sheegaya in Norway ay qoxooti badan dib ugu celin doonto dalal amni ah oo ka baxsan Yurub. Iyo in tirada qoxootiga ay Norway kasoo qaadaneyso dalal dibadda ah ay saameyn ku yeelaneyso tirada qoxootiga ah ee Norway iska soo dhiiba.

Xisbiyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyay in xuquuqda sharciyeed ee qoxootiga aan dalkoodii lagu celin karin sababo amni ama haliseed awgeed, lasii adkeyn doono. Dadkaas la siin doono sharci magangalyo oo kumeel gaar ah, lana xadadi doono fursadda ay qoysaskooda uga dacwoon karaan Norway.

Ap iyo Sp ayaa dhanka kale ku heshiiyay in mudnaan la siin doono qoxootiga ay Norway kasoo qaadato xeryaha caalamka ee loo sameeyo dib u dajinta, in ka badan mudnaanta la siiyo qoxootiga iskood isku soo dhiibo.

Heshiiska ay xisbiyadan gaareen ayaa waxaa sidoo kale ka dhex muuqdo qodobo dhowr ah oo ka hadlayo xuquuqda caruurta magangalyo doonka ah. Waxaana lagu qoray in kiisaska magangalyo doonka ah xuquuqda caruurta ay kiisaskaas tixgalin gaar ah loo sameyn doono.

Xigasho/kilde: Ap og Sp strammer inn for flyktninger og asylsøkere.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x