tirsdag, april 23, 2024

Booliska Oslo oo aan wali qof usoo qabin dilkii wiilka soomaaliga ahaa ee habeenkii khamiista

Habeenkii khamiista waxaa magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Mortensrud lagu xabadeeyay wiil 20 sano jir soomaali ah oo markii danbe ku geeriyooday isbitaalka Oslo.Halkan kasii akhri. Booliska ayaa ilaa hada falkaas argagaxa lahaa usoo qaban qofna, waxeyna sheegeen inay wadaan baaritaano baaxad weyn oo kiiskaas la xiriira.

Booliska oo maanta wareysiyo gaa-gaaban siiyay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay inay maanta sameeyeen wareysiyo dhowr ah, ayna wali wadaan baaritaanka xaqiijinta cidii ka danbeysay falkaas lagu dilay wiilkaas dhalinyarada ahaa.

Grete Metlid oo madaxa baaritaanka iyo sirdoonka booliska Oslo ayaa warbaahinta u sheegtay inaysan wali bixin karin macluumaad la xiriira kiiskan, maadaama ay wali boolisku wadaan baaritaano xoogan iyo uruurinta macluumaadka ku saabsan dhacdadan xanuunka leh.

Booliska ayaa qof walba oo arrintan macluumaad ka hayo ka dalbanayo inuu xiriir lasoo sameeyo.

Xigasho/kilde: MORTENSRUD-DRAPET: FORTSATT INGEN PÅGREPNE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x