torsdag, mars 28, 2024

Ap iyo Sp: Waan heshiinay, dowlad ayaana soo dhiseynaa.

War ay maanta si wadajir ah usoo saareen xisbiyada Ap iyo Sp ayay ku sheegeen inay gaareen heshiis ay kusoo dhisayaan xukuumad cusub oo talada kala wareegta xukuumada reysulwasaare Erna Solberg oo dhawaan dhici doonto. Labada xisbi ayaa sheegay in isbuuca soo socdo ay soo dhisi doonaan xukuumad, ayna soo bandhigi doonaan heshiiska ay wada gaareen.

Arbacada ayay sheegeen inay soo bandhigi doonaan heshiiska ay gaareen, halka khamiistana ay banaanka keeni doonaan xukuumada cusub, qaab dhismeedkeeda iyo golaheeda wasiiradda.

Xukuumada ay labadan xisbi soo dhisi doonaan ayaa noqon doonto mid aan aqlabiyad baarlamaan heysan, waxeyna mar walba taageero uga baahnaan doontaa xisbiyada kale ee la garabka ah, si ay qorshaheeda u meelmariso.

Xigasho/kilde: Jonas Gahr Støre: – Ap og Sp vil presentere den nye regjeringens politikk onsdag.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x