fredag, april 19, 2024

40-meeyo jir ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa falkii lagu dilay Xamse oo afar(4) isbuuc la xiray.

Maxkamada Oslo ayaa shaley ogolaatay in afar(4) isbuuc oo horudhac ah la xiro nin afartameeyo(40) jir ah oo ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa falkii toogashada ahaa ee 7-dii bishan October lagu dilay Xamse Xaashi Aadan.

Ninkan oo jimcihii laga qabtay xaafada Grønland ee magaalada Oslo, ayay shaley boolisku horgeeyeen maxkamada Oslo. Waxeyna codsadeen in si hordhac ah loo xiro afar(4) isbuuc, inta ay boolisku soo baarayaan kiiskan. Maxkamada Oslo ayaana booliska ka ogolaatay codsigaas.

Ninka ay boolisku qabtay ayay ilo xog ogaal ah sheegayaan inuu yahay nin asal ahaan ajnabi ah, balse heysta dhalashada dalkan Norway. Waxeyna boolisku ku eedeeyeen inuu lug ku leeyahay falkii argagaxa lahaa ee lagu toogtay xamse Xaashi Aadan oo a.h.u ahaa labaatan(20) jir soomaali ah.

Marka laga tago ninka la qabtay, waxaa iyagana falka lagu dilay Xamse ku eedeysan labo(2) qof oo kale oo aysan boolisku wali gacanta kusoo dhigin. Kuwaas oo boolisku ay sheegeen inay la tuhmayo inay dalka ka baxsadeen, kuna dhuumanayaan wadan dibadda ah. Waxeyna sheegeen inay qiimeynayaan in dhawaan ay dadweynaha la wadaagaan magacyada iyo wajiyada labadaas qof, balse aysan wali arrintaas go´aan ka gaarin.

Dilka arxan darada ahaa ee loo geystay Xamse Xaashi Aadan ayaa aad u gilgilay dadweynaha xaafada Mortensrud iyo guud ahaan magaalada Oslo. Waxaana wali la is weydiinayaa su´aalo aad u badan oo ku saabsan falkaas. Halka dhanka kale ay boolisku aysan wali bixin wax faah-faahin dhameystiran oo dhacdadaas ku saabsan, iyaga oo sheegay inay wadaan baaritaanka kiiska, ayna soo bandhigi doonaan natiijadda baaritaanka marka ay howshaas dhameeyaan.

Xigasho/kilde: Mortensrud-drapet: Mann (40) varetektsfengsles for fire uker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x