tirsdag, april 16, 2024

U.K: Dadka qaatay labada(2) talaal ee kala duwan, dalkeena wey soo gali karaan.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay badashay shuruudihii ku xirnaa marka qofka loo aqoonsanayo inuu dhameystirtay talaalka Corona, waxeyna sheegtay in qofkii qaatay labo nooc oo kala duwan oo talaalka corona ah loo aqoonsan doono inuu dhameystirtay talaalka Corona, wixii ka danbeeyo afarta(4) bisha October(10).

U.K ayaa horey u sheegtay in dadka talaalka koowaad(1) iyo kan labaad(2) qaatay labo nooc oo kala duwan oo talaalka, tusaale ahaan Moderna iyo Pzeiar aan loo aqoonsan karin qofka dhameystirtay talaalka Corona. Arrintaas ayaa dad badan ku qasabtay inay galaan Karantiil, marka ay Ingiriiska booqdaan.

U.K ayaa hada arrintaas joojin doonto, sida ay war saxaafadeed kusoo saartay wasaaradda caafimaadka dalkan Norway.

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie ayaa sheegay inuu rajeynayo in arrintan ay meesha ka saari doonto shakigii ay dad badan ka qabeen qaadashada labo nooc oo kala duwan oo talaal ah, uuna rajeynayo in dadku ay qaataan hadii loo soo bandhigo nooc talaalka labaad ah oo ka duwan kii ay qaateen talaalkii koowaad.

Xigasho/kilde_:Storbritannia godtar kryssvaksinering.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x