fredag, mars 29, 2024

SV oo ka baxay wada-hadalkii xukuumad-dhiska sadexda xisbi.

Xisbiga SV ayaa saacado kahor isaga baxay wadahadaladii ay kula jireen xisbiyada Ap iyo Sp ee looga dan lahaa sidii sadexdaas(3) xisbi ay usoo ugu heshiin lahaayeen platform siyaasadeed oo ay ku dhisan xukuumad wadaag ah.

Gudoomiyaha xisbiga SV – Audun Lysbakken ayaa warbaahinta la wadaagay in xisbigiisu ay isaga baxeen wadahadalka dowlad-dhiska, ayna arrintaas tahay mid niyad jab ah. Wuxuuna ku sababeeyay inay u muuqan weyday sabab xoogan oo qancisa oo xisbigoodu uu dowlad kula soo dhisto labada xisbi ee kale.

Lysbakken ayaa sheegay in ujeedkoodu uu ahaa inay dhistaan xukuumad ka kooban sadex xisbi, laakiinse ay isku mari waayeen qaabkii ay arrintaas ugu heshiin lahaayeen. Wuxuuna qiray in masaafada xisbiyada u dhaxeyso arragti ahaan iyo siyaasad ahaan inay tahay mid weyn, ayna ku heshiin waayeen inay isku soo dhawaadaan.

Gudoomiyeyaasha sadexda xisbi ayaa shirar aan loo kala kicin lahaa afartii maalmood ee ugu danbeysay waxeyna rabeen inay isku qanciyaan qaabkii ay sadexda xisbi u sameysan lahaayeen xukuumad wadaag ah oo ku dhisan heshiis siyaasadeed. Arrintaas ayaana hada u muuqato mid guuldaro kusoo gaba-gabowday.

Labada xisbi ee kale ee shirka wali kujira ee Ap iyo Sp ayaa hada ku qasbanaan doono inay sii wataan wadahadalka, maadaama uu hada hoolka wadahadalka firaaqeeyay xisbiga SV.

Gudoomiyaha SV ayaa hadalkiisa sii raaciyay in xisbigiisu uu u furanyahay inuu la shaqeeyo labada xisbi ee kale, hadii uu isbadal imaado mudada afarta sano ee soo socoto. Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay:

Jonas(Gudoomiyaha Ap) wuu heystaa numberkeyda, wuuna isoo wici karaa hadii uu rabo.

Xigasho/kilde: SV bryter sonderingene på Hurdal: − Stor skuffelse

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x