Norway oo 860 qof hal mar kasoo qaaday dalka Afgaanistaan.

0
177
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Dowlada dalkan Norway ayaa dalka Afgaanistaan kasoo qaadatay 860 qof, kuwaas oo siyaabo kala duwan loola xiriirinayo Norway, kadib markii ay maamulka dalkaas awood kula wareegeen ururka Taalibaan.

860-kan qof ayaa hada ku sugan goobo kala duwan oo Norway ah, waxeyna hada hey´addaha qoxootiga iyo kuwa amniga ka shaqeynayaan xaqiijinta aqoonsiyada shaqsiyadeed ee dadkaas ay Norway soo qaadatay.

Afgaanistaanta ay Norway kasoo qaaday dalkoodii ayaa isugu jiro:

  • 518 qof oo la xiriirinayo ciidamada Norway ee Afgaanistaan ka shaqeynayay.
  • 72 qof oo isugu jira dad u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bini-aadamka iyo aktifiistayaal.
  • 63 qof oo ka shaqeynayay safaaradda Afgaanistaan iyo qoysaskooda.
  • iyo 28 qof oo caruur aysan waalidkood la soco ah.

Frodde forvang oo ah madaxa hey´adda qoxootiga Norway ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee xiligan hortaala Norway ay tahay xaqiijinta aqoonsiyada dadkaas, kadibna go´aan laga gaari doono qaabkii dib u dajin loogu sameyn lahaa.

Xigasho/kilde: 860 afghanere ble evakuert til Norge. Nå jobber norske myndigheter med å finne ut hvem de er.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments