Nin loo xukumay hanjabaad uu Facebook qof kale ugu qoray.

0
161

Nin kontomeeyo(50) jir ah ayaa loo xukumay qoraal hanjabaad ah oo uu Facebook ugu qoray nin kale oo uu sheegay inuu ka xaday alaab uu isagu(ninka la xukumay) lahaa.

Ninka la xukumay ayaa labo mar kiis dacwad la xiriirta xaditaan booliska uga gudbiyay ninka uu ku tuhunsanaa inuu alaabtiisii ka xaday. Laakiin Booliska ayaa labada marba laalay(diiday inay baaraan) kiiska dacwada ah ee uu ninkaas soo gudbiyay. Wuxuu markaas kadib qoraal ay boolisku ku micneeyeen hanjabaad ugu qoray Facebooga, isaga oo leh:

Waan aqaan qofka alaabteydii heysta, laakiin booliska iyo dowlada caawin weyn kama helin. Markaas hada aniga iyo dad kale oo dhowr ah ayaa kuu imaan doono, waxna kaa qaban doono.

Booliska ayaa baaritaan kadib 9600 kr oo ganaax ku xukumay ninka markii hore sheeganayay inuu ahaa dulmane, balse markii danbe lagu eedeeyay inuu qoraal hanjabaad ah diray.

Booliska ayaa ganaaxan ku micneeyay in waxa uu qofku internetka ama warqada ku qoro iyo waxa uu caadi ahaan afka uga dhaho, ay isku micno iyo miisaan noqonayaa, hadii ay yihiin hanjabaad ka dhan ah qof kale. Waxeyna dadka ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan qoraaladda ay ku qorayaan baraha bulshada.

Xigasho/kilde: Mann dømt for Facebook-trusler: – Like alvorlig som å rope på torget.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments