onsdag, april 24, 2024

Musharax reysulwasaare Jonas Gahr Støre: Wax weyn kama badali doono siyaasadda soo galootiga ee hada.

Musharaxa jagada reysulwasaaraha Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Støre ayaa isaga oo ka jawaabaya su´aal ay weydiisay warbaahinta NorSom News sheegay in hadii xisbiyadu bidixdu ay ku guuleystaan doorashada, aysan wax weyn ka badali doonin siyaasadda arrimaha soo galootiga Norway ee hada shaqeysa. Wuxuuna sheegay in siyaasadda arrimaha ajaaniibta ee Norway ee hada shaqeysa, ay tahay mid taageero fiican ka heysata baarlamaanka Norway, ahna mid ay xisbiyadu inta badan heshiis ku yihiin.

Hoos ka daawo jawaabta Jonas Gahr oo af soomaali lagu qoraal-turjumay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x