fredag, april 19, 2024

Maxkamada Sare ee Somalland oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska Soomaali-Norwiiji dil ku xukuman.

Maxkamada sarre ee Somaliland ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwad ka dhan ah nin asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda sarre ee Somaliland oo maanta lagu waday inay u fariisato dacwada racfaanka ah ee ninkan uu ka qaatay xukunka maxkamadda maroodi-jeex, ayaa dib u dhigtay dhageysiga kiiska. Sidaas waxaa muuqaal baahiyaha TV2 u sheegay qareenadda Norwiijiga ah ee ninkan oo ku xugan magaalada Hargeysa.

Dib u dhigista dhageysiga kiiskan ayaa noqonayo kii labaad oo ay maxkamadu sameyso hal isbuuc gudahiis.

Farid Bouras oo ah qareenka Norwiijiga ah ee ninkan ayaa TV 2 u sheegay inuu la hadlay labo garsoore oo kamid ah kuwa maxkamada sarre ee Somaliland. Kuwaas oo midkood uu u sheegay inuu xanuunsaday, halka kan kalena uu ku wargaliyay inuusan maanta qaban karin wax kulan maxkamadeed ah.

Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in kiiskan hadda dib loo dhigay ilaa mudo aan la cayimin.

Dowlada Norway: Waxbo ma aysan qaban.

Mid kamid ah wiilasha oo dhalay ninka Soomaali-Norwiijiyaanka ah ee Hargeysa ku xiran ayaa dowlada Norway ku eedeeyay in aysan wax la taaban karo u qaban aabihiis oo u sheegay inuu la kulmay xukun cadaalad daro ah. Qareenka ninkan ayaa dhanka kale wiilka ku raacay in dowlada Norway hagratay ninkan, ayna ka gaabiyeen wax badan oo ay ka qaban kareen kiiskiisa.

Xigasho/kilde: Rettsaken til dødsdømt nordmann er utsatt på nytt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x