Maxaa kasoo baxay shirweynihii isdhexgalka ee ururka Tusmo ee magaalada Bergen

0
217

Magaalada Bergen waxaa dhamaadka isbuucii hore ka dhacay shirweyne ay soo qaban-qaabiyeen ururka Tusmo oo mawduuciisu uu ahaa shirweynaha Qaran ee isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Waxaana si baaxad leh looga hadlay caqabadaha isdhexgalka bulshada ee lasoo gudboonaado soomaalida kunool dalkan Norway iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Shirkan oo socday mudo sadex(3) maalmood ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 50 kamid ah aqoonyahannada soomaaliyeed ee kunool Norway, kuwaas oo ka kala yimid dhamaan daafaha Norway. Waxaana sidoo kale kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan dowlada Norway, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada iyo isdhexgalka, iyo sidoo kale maamulka degmada Bergen ee martida loo ahaa.

Warbaahinta NorSom News oo shirkaas ka qeybgashay ayaa su´aalo ku saabsan natiijada shirkaas iyo qaabka uu qabsoomay weydiisay maamulka ururka Tusmo iyo aqoonyahankii kale ee shirkaas kasoo qeybgalay. Hoos ka daawo muuqaalka.

Sidoo kale halkan ka daawo fikradiha dadka shirka kasoo qeybgalay ay ka dhiibteen habeenkii koowaad ee furitaanka:(Riix linkiga)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments