Mandal: Ninkii wiilkii soomaaliga ah ee Yacquub iyo macalimad Tone dilay oo xabsiga ku dhintay.

0
85

Sida uu qoray wargeyska Fædrelandsvennen ee kasoo baxa magaalada Kristiansand, waxaa 11-kii bishan September xabsi kuyaal magaalada Mandal laga helay meydka nin labaatan(20) jir ahaa, kaas oo wargeysku uu xaqiijiyay inuu ahaa wiilkii shan(5) sano kahor magaalada Kristiansand ku dilay Yacquub iyo Tone.

Ninkan oo marka uu dilka geystay 15 sano jir ahaa, ayaa shantii(5) bishii Desember sanadkii 2016 mindi ku dilay Yacquub Cabdulaahi Xasan oo ahaa wiil soomaali ah oo 14 sano jir ah, iyo Tone Ilebekk oo macalimad ka aheyd iskuul kuyaal magaalada Kristiansand. Wuxuuna markii danbe isaga uu booliska u qirtay inuu ka danbeeyay falkaas.

Maxkamada ayaa sanadkii 2017 ninkan oo markaas ka yaraa da´da qaangaarnimada ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah, waxaana markii hore la geeyay xabsiga lagu hayo dhalinyarada danbiyada geysata. Iyada oo markii danbe loo wareejiyay xabsi caadi ah oo kuyaal magaalada Mandal, oo ah kan hada meydkiisa laga helay.

Booliska ayaa wargeyska u xaqiijiyay in ilaa hada uusan jirin tuhun ah cid loo eedeynayo inay falkaas ka danbeysay, ama wax cadeynaya fal danbiyeed lala xiriirinayo geerida 20-jirkan uu u socday xukunka dilka labada qof. Iyaga oo dhanka kale ay boolisku sheegeen inay sii wadi doonaa baaritaan kiiskan oo ay hada u sameeyay gal-baaritaan oo socdo.

Marka laga tago xukunka 11-ka sano ee xabsiga ah, waxey maxkamadu ninkan geeriyooday ku xukuntay inuu qoysaska labadii qof ee uu dilay uu siiyo 1,5 milyan kr oo magdhow ah.

Xigasho/kilde: Drepte Tone (48) og Jakob (14) – funnet død i fengselet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments